Wafdi horudhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Puntland oo gaaray Garoowe

Published: August 24, 2022

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse iyo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Wafdiga Wasiirka waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Wasiirada Arimaha gudaha, Maaliyada iyo Duulista hawada ee Puntland.

Wafdigaan ayaa horudhac u  ah safar uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud beri ku tegi doono caasimadda Puntland ee Garoowe.

Ujeedada safarka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagayo magaalada Garoowe ayaa ah sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii la doortay waxaa uu horay u tegay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo, isaga oo kulamo la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyadaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *