Wafdi ka socdo Jaamacadda Carabta oo soo gaaray Muqdisho

Published: February 20, 2024

Wafdi ka socda Ururuka Jaamacadda Carabta ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Waxaa si diiran garoonka Diyaaradaha ugu soo dhoweeyay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS mudane Xamza Aadan Xaadoow, Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Masar ahna Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire Ilyaas Sheekh Cumar iyo Cabdullaahi Otobi oo ah Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

Mas’uuliyintan oo ka kooban labo xubnood ayaa si kooban warbixin uga dhegeystay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS Xamza Aadan Xaadoow iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Danjire Ilyaas Sheekh Cumar.

Wafdigan ayaa dhambaal ay ka sidaan Jaamacadda Carabta gaarsiin doona Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud.