Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo kulan la qaadatey Madaxweynaha Puntland Siciid Deni

Published: March 31, 2024
Shares82

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweyey Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda, hormarinta iyo gargaarka bini’aadanimo.

Kulanka Wefdiga Qaramada Midoobay iyo Puntand waxaa ka qaybgalay, Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Madaxweyne ku-xigeenka, Wasiirada arrimaha gudaha, qorsheynta, caafimaadka, kaluumeysiga, arrimaha gargaarka bini’aadanimada iyo wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska.

Kadib markii kulanku soo dhamaadey waxay wada qabteen war saxaafadeed.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in kulankan muhiim u ahaa marka la eego marxaladda dalka Soomaliya maraayo, “waxaan ka wada hadalney sidii beesha caalamku si dhaw ula shaqeyn lahayd Puntland kadib go’aankii habeenkii axadda aan ku dhawaaqnay ee aan xiriirka ugu jarney Dowladda Federaalka ayuu yiri Madaxweyne Deni

Mowqifka dhabta ah ee Puntland xalay ayaa xukuumadda dowladda Puntland soo saartey, “….Waxaan ku dhaqmeynaa dastuurkii 2012, waxaana ka codsaneynaa goloyaasha dowladda federaalka ah in ay ixtiraamaan go’aankayaga ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa ugu horeyn u mahadcelisey Madaxweynaha Puntland, waxaana ay sheegtey in ay tahay markii afaraad ee ay soo booqato Puntand mudadii ay xafiiska UN-ka joogtey

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegtey in ay Madaxweynaha Puntland iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada ka wada hadleen barnaamijyada hormarinta iyo kor u qaadida gargaarka bini’aadanimo. “Waxaana aragney barnaamij dowladdu soo diyaarisey oo dhanka hormarinta iyo bini’aadanimada ah, gaar ahaan kalluumeysiga kaas oo muhim ah haddii si wanaagsan looga shaqeeyo maadaama Puntland ay xeeb dheer leedahay ayey tiri Marwo Catriona Laing sidoo kale waxaan ka wada hadalney dhibaatada nafaqo darrada iyo daacuun colooleedka soo cusboonaadey.

ARRIMAHA SIYAASADDA

Arrinta labaad ee aan ka wada hadalney ayey tiri ayaa ah waxa socda ee dhamaystirka dastuurka federaalka, waxaan aragney moqifka Puntland, laakiin waxaan rabnaa in horey loo socdo ayey tiri.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa sheegtey in ay Madaxweynaha Puntland ballan qaadey in wada hadalka Dowladda Federaalku uu sii socon doono, si loo helo hannaan loo dhan yahay, si dalka dhan loo mideeyo loo helo dastuur kala qeexaya awoodaha Dowladda Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Puntland ayaa hadda si weyn u dooneysa in ay hesho wax la mid ah ama u dhaw barnaamij hadda ka hor Soomaaliya lagu maamulay kaas oo la dhihi jirey dual track policy waxaana uu bilowdey September 2010, waxaana uu dhamaadey 2012, si ay uga maaranto ku tiirsanaanta Dowladda Federaalka ee caalamku aqoonsan yahay lana tacaamulaan.

HORSEEDMEDIA