War murtiyeed laga soo saaray shirkii Wasiirada Maaliyada DFS & Dowlad Goboleedyada dalka

Published: September 13, 2022

War murtiyeed ka soo baxay shirkii wasiirada Maaliyada Dowlada Soomaaliya iyo wasiirada Maamul Goboleedyada Dalka ayaa lagu sheegay in heshiis laga gaaray xaaladii ka dhalatay habka loo qeybsanayo kabka Miisaaniyadeed ee laga helay Bank Aduunka.

Shirkan oo muddo ku dhow 6 cisho u socday Wasiirada Maaliyada ayaa maanta laga soo saaray qodobada ee sida lacagta kabka loo maamulayo waxaa ka mid ah.

In 50% kabka miisaaniyadeed ee qeybsiga yabooha Bankiga Addunka ce loo yaqaano, (DPO-2) loo isticmaalo horumarinta arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga, sida howlaha Caafimaadka iyo Waxbarashada.

In 50% Kabka miisaaniyadeed ee DPO-2 ay khiyaar u leeyihiin isticmaalkeeda, balse xisaab celin iyo warbixin maaliyadeed laga soo sameeyo.

Hoos ka akhirso warmurtiyeedka laga soo saaray shirka

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *