Wararkii u Dambeeyay ee Cudurka Coronavirus ee Soomaaliya

Published: April 3, 2020

Guddiga sare ee loo xilsaaray xakamaynta xaaladaha Cudurka COVID19 oo shir jaraa’id ku qabtay Isbitaalka Martiini ayaa sheegay in Soomaaliya laga helay 5-Qof oo qabta CoronaVirus, halka 17 kalena baaritaan lagu hayo Dalka oo dhan.

Dr; C/rizaaq Yuusuf Axmed (Jalaalu-diin) oo xubin ka ah Guddiga sare ee Dowladdu u xilsaartay xakamaynta xaaladaha Cudurka COVID-19 ayaa Bulshada Soomaaliyeed usoo jeediyay in aysan qarsan haddi ay isku arkaan calaamadaha xanuunka, isagoo sheegay inuu ka baqdin qabo in uu Dalka ku Laba qarxo maaddaama ay Dadka qaarkii qarsanayaan.

“Wuu jiraa xanuunka ha inkirin, Dadka ka ilaali. Naftaada ka ilaali waa xanuun saf mar ah oo kugu dhici kara, qor walbana ku dhici kara, waa farrinta aan kecelnahay inaan Dadka la wadaagno, ayuu yiri Dr, Cabdi rizaaq.

Wuxuu Dadka ugu baaqay in aysan ka baqin xanuunka, kuna daydaan sida ay Bulshada caalamku usoo bandhigaan, wuxuuna baaq u diray Dadka isaga shakiyay ama ay tuhmayaan ee ku sugan Guryahooda iyagoo ka baqaya in la takooro macna qaldanna ka aaminsan.

Dhinaca kale, Maamulka Puntland ayaa karantiilay qofkii lixaad oo looga shakisan yahay cudurka Coronavirus. Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa sheegay in qofka la karantiilay uu ka yimid Dalka Itoobiya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *