Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Gobolka Gedo.

Published: September 18, 2018

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal ka dhacay deegaan 60KM u jira degmada Doolow ee Gobolka Gedo, kaddib markii ciidanka daraawiishta Jubbaland ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku lahaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland Jamaal Xasan Farey oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in ciidankooda ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay inay ka war heleen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo Al-Shabaab ka waday inta u dhaxeysa Doolow iyo Beledxaawo, sidaasna ciidankooda ay weerar ugu qaadeen.

Waxaa uu sheegay in dagaalka ku dileen illaa 11 dagaalame, isla markaana ku gubeen gaadiid dagaal, sidoo kale waxaa uu xusay in dhankooda dagaalka uga dhimatay shan askari, halka 7 kalena oo Sarkaal uu ku jiro uu ku dhaawacmay.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay in 10 askari ku dileen dagaalka, isla markaana uu ku jiro Taliye Sare waa sida ay sheegteene dili taanka sarkaal sare.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *