Wararkii ugu dambeeyay wadahadalada Dowlada Federaalka Cabdirashiid Janan

Published: March 24, 2021

Iyadoo shalay ay soo baxeen Warar sheegaya in inuu jiro wadahadal u dhexeeya dowladda Federaaalka Soomaaliya iyo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashid Janan kaasoo xal looga gaarayo dagaalladii dhexmaray dhinacyadan ayaa warar la helayo xiligan waxa ay sheegayaan in heshiis hordhac ah ay gaareen Janan iyo dowladda Federaalka.

Wararka aan ka helayno saaka magaalada Beledxaawo ayaa tilmaamaya in maanta diyaargarow xooggan loogu jiro soodhaweynta wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan iyo ciidamo daacad u ah sida ay sheegayaan ilo wareedyo ay heshay HM.

Magaalada Beledxaawo ayaa waxaa ku sugan saraakiil iyo masuuliyiin hoose oo ka socda dowladda Federaalka kuwaasoo diyaargarow ugu jira soodhaweynta Janan iyo ciidamadiisa ,saacadaha soo socda ayaana sidoo kale la filayaa in sidoo kaled magaalada Beledxaawo uu gaaro Taliyaha ciidanka Lugta dowlada Federaalka Maxamed Tahliil Biixi.

Diyaarad sida gawaarida aan xabadu karin iyo agab ciidan ayaa shalay ka degtay garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo xili la sugayo imaanshaha Janan ee Beledxaawo.

Wasiir Janan oo shalay la hadlay laanta afsoomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo wadahadalka isaga iyo dowladda Federaalka

Dabayaaqadii bishii August ee sanadkii 2019-kii ayay aheyd markii dowlada Federaalka Soomaaliya ay xabsiga dhigtay Cabdirashiid Janan xili uu socdaal ku ahaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Maamulka Jubaland ayaan weli wax jawaab ah kasoo saarin warka ah in uu isasoo dhiibayo Cabdirashiid Janan kaasoo looga bartay dagaalo adag oo ka dhan ah dowlada Federaalka Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *