Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 36 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen COVID19

Published: June 17, 2020

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa diiwaangelisay 38 kiis oo cusub oo ah COVID19 24kii saacadood ee lasoo dhaafay, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 2,696.kiis.


Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Dr. Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay kiisaska cusub inay kala joogaan Puntland 16, Somaliland 13, Gobolka Benaadir 8 iyo Koonfur Galbeed 1 qof.


Dhanka kale Dr. Fowsiya ayaa sheegtay inay fayraska ka bogsoodeen 36 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 685.


Bukaannada cusub 29 kamid ah waa rag, 9-na waa haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirin bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 88 qof.


Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *