Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Oo Soo Bandhigay Xogta Hawgalladii Ugu Dambeeyey

Published: December 24, 2023

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howgalladii ugu dambeeyay Khawaarijta looga dilay 130 khawaarij ah, waxaana lagu furtay hub, iyadoo laga burburiyay qalab iyo goobo gabaad u ahaa khawaarijta.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in Howlgalladaan oo ay dhaceen Galmudug, Hirshabeelle, iyo Jubbaland.

Wasaaradda ayaa hambalyo u dirtay geesiyaasha Qaranka uguna mahadcelisay Shacabka Soomaaliyeed ee la garabtaagan taageerada balaaran.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media