Wasaaradda Maaliyadda XFS oo sheegtay inay ka jawaabi doonto Warbixinta Hanti dhowrka

Published: November 22, 2022

Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonto Warbixinta uu maanta soo saaray xafiiska Hanti dhowraha Qaranka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu yirri “Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay la socotaa warbixinta Hanti-dhowrka Guud ee ku saabsan Xisaab-Xirka  2021-ka, ee uu sida tooska TV-yada uga sii daayay”

Sidoo kale waxaa intaas la raaciyey “Iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida Xafiiska Hanti-dhowrka, Wasaaraddu waxa ay si qotto dheer u lafa-guridoontaa warbixinta Hanti-dhowraha Guud, iyada oo sida uga dhaqsiyaha badan Wasaaraddu ay ka soo saari doonto jawaabta ku habboon”

Hanti-dhowraha Qaranka ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda ay lacag dhan $96,365,574 iyo dul-saarka daymeed oo dhan $14,605,118 ka daynsatay Bankiga Dhexe ee Somaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, iyadoo amaahdas ay u baahnayd inuu baarlamaanku ansixiyo

Horseed Media