Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo soo saartay awaamiir lagu ilaalinayo Farta Soomaaliga

Published: May 18, 2021

Wasaaradda Warfaafinta ,Isgaarsiinta Puntland ayaa soo saartay Awaamir lagu farayo goobaha ganacsiga ,Meheradaha ay leeyihiin dadweynaha iyo Tabeelayaasha in boorarka xayaysiiska lagu qoro farta Soomaaliya.

Amar kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Puntland ayaa loocuskaday in uu yahay mid lagu ilaalinayo laguna horumarinayo Afka Soomaaliga oo mudooyinkii dambe isticmaalkiisa uu ahaa mid aad u yar.

Wasaaradda ayaa dadweynaha iyo cidkasta oo amarkan uu khuseeyo fartay in ay sida ugu dhakhsiyaha badan u fuliyaan Bishan lagu guda jiro ee May ,ayna Wasaaraddu bilaabi doonto dib u eegista boorarka iyo magac bixinta iyadoo la waafajinayo xeerka ilaalinta Afka Soomaaliga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *