Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka Sanadlaha ah ee Hay’adda IMF & Bangiga Adduunka

11 October, 2022

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamed Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC ee…

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamed Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka ee uu toddobaadkaan ka furmayo Shirka Sanadlaha ah ee Hey’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka ayaa xalay la qaatay kulan horu-dhac ah Madaxda Hey’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka iyo Wafdiga Wasaaradda Maaliyadda ee la socda waxa ay ka qeyb gali doonaan shir weyn oo si gaar ah looga hadli doono arrimaha Maaliyadda Soomaaliya, dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta iyo  hannaanka guud ee dib-u-habaynta dhaqaalaha Dalka.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda inta uu Washington joogo waxa uu kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ah la yeelan doonaa hey’addaha dhaqaalaha caalamka, Waaxda Maaliyadda Dowladda Mareykanka iyo xubnaha kale ee muhiimka ah ee ka socda dadalka Kabka Miisaaniyadda Soomaaliya siiyo iyo kuwa kale ee Deeq-bixiyeyaasha.

Horseed Media