Wasiir Beyle oo Nairobi uga qeyb galaya shir looga hadlayo daabacaada shilin Soomaaliga

Published: September 15, 2018

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasi oo uu kaga qeyb galayo shirkaSMP3(Staff-Monitored Program).

Mudane Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inuu ka rajeynayo shirkan mid ku soo dhamaado guul, isagoo intaas ku daray in looga sii gudbi doono jabtar cusub oo sahlaya daabacaadda lacagta shilinka soomaaliga ah.

“Maanta waxaan safar u aaday Magaalada Nairobi oo kaga qeyb gali doono shirkaSMP3oo ah Jabtar cusub oo aan ka gudbi doono taas oo noo sahli doonta arimaha dabaacada Lacagta iyo Deymaha waxaan rajeyna in aan Guul kale ka gaaridoono.,”ayuu yiri Wasiir Beyle oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa Facebooka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *