Wasiir Beyle oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dib u habeynta Maaliyadda

Published: June 8, 2021

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Xilgaar-siinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta aaladda fogaan aragga ku shir guddoomiyay kulan bille ah oo ay yeesheen Guddiga Maamul Wanaagga Maaliyadda, kaasi oo diiradda lagu saaray dib u habeynta Maamulka Maaliyadda ee Dowladda.

“Waxa aan shir Gudoomiyay kulankii Billaha ahaa ee Guddiga Maamul Wanaagga Maaliyadda (FGC) oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka, Maanta waxa aan uga wadahadalnay xaalada dib-u-habeynta Maamulka Maaliyadda Dowladda iyo meelaha kale muhiimka ah sida habka qandaraasyada iibka Qaranka (procurement) iyo Heshiisyada dowladdu ay gasho”.

  Ayuu yiri Wasiir Beyle

Wasiir Dr Cabdiraxmaan Ducaale ayaa u mahadceliyay hey’adihii kala qeyb galay shirka oo ay ugu horreeyaan xafiisyada Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha, Wasaaradda Batroolka, Bangiga Adduunka, IMF, iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *