Wasiir katirsan XFS oo ka warbixiyey sidey uga soo badbaadeen weerarkii lagu qaaday hotel Villa Rossa

Published: November 29, 2022

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee xukuumadda Soomaaliya, Aadam Ibraahim Aw-Xirsi oo kamid ahaa masuuliyiintii kasoo badbaaday weerarkii lagu qaaday hotel Villa Rossa, ayaa ka hadlay qaabkii ay ugasoo baxeen hotelka, kadib markii uu weerarka ku bilowday.

Wasiirka ayaa sheegay in masuuliyiin uu kamid ahaa markii uu qaraxu dhacay in ay u carareen labo albaab xiran oo kuyaala dhinaca dambe ee hotelka, isagoo sheegay inay jebiyeen oo ay mid mid uga baxeen.

Wuxuu sheegay dadka ugu badan ee lagu laayay hotel inay ahaayeen dadkii qolalka shirka ku jiray iyo kuwo ku sugnaa barxadda u dhow albaabka qaraxu ka dhacay.

Wasiir Aadam wuxuu sheegay inuu hotelka ka socday shir ay uga arrinsanayeen xaaladda gobolka Gedo.

Shirkaas wuxuu tilmaamay inay isugu yimaadeen siyaasiyiinta dowladda, aqoon-yahananda iyo ganacsatada kasoo jeeda gobolka Gedo.

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku geeriyooday weerarkaan, sida ay dowladdu sheegtay, waxaana lasoo afjaray shalay galinkii dambe kadib 18 saacadood oo uu socday, ururka Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen.

Horseed Media