Wasiir Xagaa oo kulan la qaatay Guddiga arrimaha deegaanka iyo kheyraadka ee Golaha Wakiilada Puntland

Published: June 3, 2024

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland, Dr. Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Kaluumeysiga, Maxamuud Maxamed Gabax iyo Agaasimaha Guud, Sharmaarke Yaasiin ayaa maanta kulan la qaatay guddiga arrimaha deegaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada Puntland.

Masuuliyiinta wasaaradda kalluumaysiga Puntland oo uu hogaaminayo Wasiir Cabdirisaaq Xagaa ayaa guddiga warbixin ka siiyey shaqada wasaaradda waxyaabaha ka qabsoomay iyo caqabadaha jira.

Ugu dambayn, masuuliyiinta ayaa isla qaatay sii xoojinta wadashaqaynta wasaaradda kalluumaysiga Puntland iyo Golaha Wakiillada Puntland.

Horseed Media