Wasiir Xagaa oo kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda Kaluumaysiga Puntland

Published: March 22, 2024

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa oo dhowaan xilka la wareegay ayaa kulan la qaatay shaqaalaha wasaaradda.

Kulanka oo ahaa isbarasho iyo isxogwaraysi ayaa looga hadlay shaqada wasaaradda hawlaha hortabinta leh, guulaha la gaaray iyo qorshahaasha u baahan fulinta.

Sidoo kale, kulan waxaa qayb ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maxamuud Maxamed Cali (Gabax), Wasiiru Dowlaha Siciid Maxamed Raage iyo Agaasimaha guud Sharmaarke Yaasiin Cali.

Horseed Media