Wasiir Xasan Shire “Ma jirto wax lacag oo ka baxday qasnada dowlada oo loo adeegsaday doorashadii Soomaaliya”

Published: July 19, 2022
Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 24-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada PL.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Maaliyadda Puntland Xassan Shire Cabdi oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda, Wasiiru Dawlaha, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda, Agaasimeyaal iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda.

Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire ayaa Golaha Wakiillada uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha Maaliyadda sida ay qabaan xeerarka dalka. Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire ayaa la waydiiyay su’aal ahayd in Doorashadii Soomaaliya Lacag ay ku bixisay Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xassan Shire Cabdi

Wasiirka ayaa ku jawaabay “Ma jirto wax lacag oo ka baxday qasnada dowlada oo loo adeegsaday doorashadii Soomaaliya”

Sidoo kale waxa uu intaas sii raaciyey “Waxaana xusuusinayaa in qasnada dowlada hab sharci ah looga bixiyo lacagta hab sharci ahna ku sogasho”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *