Wasiirada Hirshabeelle oo ansixiyey Hindise sharciyeed lagu dhisayo Guddi doorasho

Published: December 21, 2022
Shares16

Madaxweynaha Hirshabeelle Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle. 

Kulankaan oo looga hadlay howlgalada baahsan ee kooxda Al-shabaab looga xureynayo deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle, waxaa Wasiirka Amniga looga dhageystay warbixinta amniga.

Sidoo kale kulankaan ayaa looga hadlay dardargalinta iyo isku xirka dadaalada xasilinta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha usoo gudbisay Hindise Sharciyeedka lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Hirshabeelle oo ay Golaha Wasiirada cod aqlabiyad ku ansixiyeen, Dhanka kale Golaha ayaa cod wadar ogol ah ku meelmariyay Macadka Tababarada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Golaha Xukuumadda la wadagaay duruufaha adag ee ka jira deegaanada laga xureeyay Al-shabaab ee uu socdaalka kusoo maray isagoo xusay inay cuuryaamiyeen nolosha iyo horumarka bulshooyinka ku nool deegaanada laga xureeyay.

Horseed Media