Wasiirada Puntland ee Seefta Xil Ka Xayuubintu Dul-joogto?

Published: July 30, 2022

Waxaa lagu wadaa in kalfadhiga Golaha Wakiilada Puntland mudada loo kordhiyo oo sii socdo kadib maalamaha fasaxa ee asaaskii Puntland. Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa kalfadhigan qabtey shaqo ay muddo ka gaabinayeen, taas oo weli qabyo ah, waxaana u weyneyd la xisaabtanka xukuumadda iyo hay’adaha madaxa banaan iyo weliba asnixinta xisaab-xirka 2021.

Waxaa shacabka Puntland ay la socdeen sida Golaha wakiiladu ula xisaabtameen in badan oo kamid ah Golaha Xukuumadda, in kasta oo aan si toos ah loo daawaeneyn shacabkuna aysan ka qayb gelin fadhiyada, ayaa la dhihi karaa waxay u soo jiidey sumcad wanaagsan Xildhibaanadu in ay garteenugu danbeyn shaqadii loo igmadey.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa markii uu soo dhamaadey la xisaabtankii Xukuumadda waxa uu u saarey guddi isku soo xooriya wixii ka soo baxay, si loo ogaado wasiirada shaqadoodi ku saaqidey ee aan ka soo bixin wixii shacabku ka sugayeen.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bilaabey maalmihii u danbeeyey kulamo uu la qaadanaayey Xildhibaanada isaga waxaana kulamadu ahaayeen gobol, gobol, ujeedka ugu weyn ee kulamadan ayaa ah in Baarlamaanka iyo Xukuumaddu ay wada shaqeeyaan, oo ay ahaadaan isku-milankoodi hore, dhankiisana uu wax ka qabanaayo Guddiga Garsoorka ay cayriyeen oo weli shaqadiisi sii wata.

Horseed Media wararka soo gaaraya ayaa sheegaya in ay dhici karto in tiro wasiiro ah ay xilkooda waayaan, oo Guddigu ku dhawaaqo in ay shaqadoodi ka soo bixi waayeen, waxaana kamid ah.

  • Wasiirka Amniga
  • Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimoqraadiyadda
  • Wasiirka Caafimaadka
  • Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada
  • Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda
  • Wasiirka Warfaafinta
  • Guddoomiyaha Baanka Dhexe
  • Hanti-dhawrka Guud iyo qaar kale.

Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal ayaan ka muuqan liiska ay dhici karto in shaqada laga cayriyo, waa wasiirka ugu tunka weyn xukuumadda, waxaana uu hayaa shaqada wasaarado badan, mudadii isla xisaabtanka ayuu caan ku noqdey erayga ah “garan-maayo” waxaana uu su’aalihii la weydiiyey oo dhan ku wareejiyey Agaasimaha dakhliga ninka la yiraahdo Abshir.

Marka la eego saacadihii aadka u dheeraa ee Xildhibaanadu u adkeysteen kuraasta iyo su’aalihii tirada badnaa ee golaha wasiirada ay weydiinayeen, ayaa si weyn la isu weydiinayaa halka ay caga dhigan doonto, ma waxay noqon sida dadka qaarkiis aaminsan yihiin mid ay dhaqaale ku raadinayeen, iyo shimbrayahow heesa, mise waxay noqon doontaa mid ay shacabka ku metalayeen oo ciddii shaqadiisa ka soo bixi weyda loo ciqaabi doono.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *