Wasiirka Amniga Soomaaliya Oo La Kulmay Raysal Wasaaraha Qatar

Published: March 17, 2021

Wasiirka amniga dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo ku sugan magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar ayaa kulan la qaatay Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Sheekh khaalid Bin Khaliifa bin C/Caziiz Al Thaani.

Kulanka dhexmaray Wasiir Xundubey iyo Wasiir Sheekh khaalid Bin Khaliifa ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar ee ku saleysan dhinacyo kala duwan.

“Waxaana aan ka wada hadalnay is kaashiga amniga ee labada dal ee Soomaalia iyo Qatar, anigoo kaga mahadceliyay tageerada dowlada Qatar ay la garab taagantahay shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya”.

Xasan Xundubey

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *