Wasiirka Amniga XFS oo dalka Serbia tababar ugu soo xiraya Ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada

Published: April 10, 2023

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Dalka Serbia, ka dib markii uu Casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Serbia Bratislav Gasić.

Safarkan shaqo ayuu Wasiir Doodishe muddo 3-maalin ku joogi doonaa Serbia ,isaga oo kulamo kala duwan la qaadan doona mas’uuliyiin ka tirsan Jamhuuriyadda Serbia oo uu ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Serbia Bratislav Gasić.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa tababar u soo xiri doona Ciidamo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya, kuwaas oo muddo afar bil ah Tababar ku qaatay dalka Serbia.

Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia waxaa ka dhexeeya xiriir Saaxiibtinimo oo ku dhisan Danaha labada dal.

Horseed Media