Wasiirka Amniga XFS oo lagu soo dhoweeyay Jaamacadda Naif ee Sacuudi Carabiya

Published: April 15, 2022

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XF. Soomaaliya mudane  Cabdullahi Maxamed Nuur iyo wafdi uu hogaaminaayo oo booqasho rasmi ah ku joogo dalka aan walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya ayaa booqday xarunta Jaamacadda Naif ee dalkaasi.

Wasiirka oo ay la socdeen xubno muhiim ah, waxa ay booqashadoodu la xiriirtay u kuurgalka nidaamka shaqo ee xaruntaasi oo ah mid  lagu barto Culuunta ku saabsan dhanka amniga.

Wasiirka iyo xubnihii kale, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha jaamacada Dr. Abdul Majeed Al-Bunyan iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan jamacadda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *