Wasiirka arrimaha Dibada Somaliya oo Wakiilka Arrimaha Dibada ee Midowga Yurub Kulan la Qaatay

Published: January 11, 2023

Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga Abshir Cumar Huruuse ayaa wadahadalo labo geesood ah xarunta midowga Yurub ee Brussel kula yeeshay kula yeeshay Wakiilka sare ee arrimaha dibedda, siyaasadda iyo amniga Midoowga Yurub Mudane Josep Borrell.

Labada masuul ayaa kulankooda kaga wada hadlay siyaabaha loo xoojinayo taageerada xagga laamaha ammaanka ee Midoowga Yurub uu ka taageero Somalia, kor u qaadidda horumarinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga.

Wasiirka ayaa ka mahadceliyay kaalinta Midowga Yurub ee dowlad dhiska Soomaaliya iyo taageerada ay ka geystaan arrimaha gargaarka.

Horseedmedia