Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Oo Warbaahinta La Wadaagay Qodobadii Shirka IGAD – VIDEO

Published: December 21, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu dalka Jabuuti kaga qeyb galay Shir-Madaxeedka 38-aad ee aan caadiga ahayn ee dalalka Urur Goboleedka IGAD.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha ayaa warbaahinta uga warbixiyey qodobbadii kasoo baxay Shirka ee khuseeyay dalkeenna.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u diyaar garowday shirka sidii ay ugu soo bandhigi laheyd eedaymaha ay u soo jeedisay Kenya sido kalana madaxdii IGAD, ee shirka joogay ay dowladda Soomaaliya u soo jeediyeen in arrinkaan uu noqdo mid lagu xaliyo IGAD dhaxdeeda lagana gaaro is afgarad.

“Dad badan waxaa laga yaabaa inay ka walwalsan yihiin Soomaaliya iyo Kenya in xiriirkooda xumaaday laakiin waxaa ogaataan Kenya iyo Soomaaliya waa labo dal oo deris ah inay yihiin, xiriir aad u dheer uu ka dhaxeeyo, dad badan Soomaali iyo Kenyan ah ay faa’ido u leedahay xiriirka oo wanaagsanaada, Kenya iyo Soomaaliya ay ku qasban yihiin inay soo ceshadaan xiriirkooda, waqtiga ay munaasabka tahay sida ugu munaasibsan oo uu ku doo noqonaayo xiriirkaas”

Wasiirka Arrimaha Dibadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in shirar doceedyo kala duwan oo ay la galeen madaxdii ka soo qayb-gashay shir-madaxeedka 38-aad ee aan caadiga ahayn ee dalalka urur Goboleedka IGAD, Soomaaliyana ay shuruud ku xirtay in la soo celiyo xiriirkii ay la lahayd Kenya, taas oo ah in IGAD, ay guddi xaqiiqo raadin ah u dirto xadka labada dal, halkaas oo Kenya ay ka abaabulayso Jabhad ay doonayso inay nabadgalyada Soomaaliya ku waxyeelayso.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *