Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xilka la wareegay

Published: November 28, 2020

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibada ee Soomaaliya ayaa Sabtidii si rasmi ah ulla wareegay, kulan ka dhacay Xarunta Wasaaradda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano iyo Safiiro.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Wasiirka ay ku soo dhaweynayaan Masuuliyada Cusub ee loo igmaday.

Wasiiraka Cusub ee Wasaaradda Arimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaq Maxamuud Abubakar ayaa sheegay inuu sii amba-qaadayo shaqada Wasaardda Hogaankeeda uu qabtay, isagoo amaanay hawshii ay qabteen madaxdii isaga ka horeysay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *