Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo sheegay inay soo dhaweynayaan maalgashiga caalamiga ah

Published: May 31, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya , Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbadii uu ka jeediyay shirka 10-aad ee madasha Shiinaha iyo Carabta oo ka furmay Beijing , wuxuu ku sheegay inay Soomaaliya soo dhaweynayso shirkadaha Shiinaha iyo Carabta, si ay u maalgashadaan fursadaha rajada leh ee ka jira suuqa Soomaaliya ee dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Tamarta la cusboonaysiin karo.

Xoojinta nabadda, iyo guulihii u dambeeyay ee dalku gaaray ayuu sheegay inay Soomaaliya awood u siinayaan inay bixiyso, adeegyada lagama maarmaanka ah, isla markaana meesha ka saarto caqabadaha hortaagan horumarinta iyo barwaaqada.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa cambaareeyay isku dayga ay Itoobiya ku doonayso inay ku farageliso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isagoo tixraacaya heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland, wuxuuna heshiiskaa ku tilmaamay inuu qayb ka yahay damaca ay Itoobiya ku doonayso inay ku gaadho deked ku taalla Somaliland,

Wasiirka ayaa ku nuux-nuuxsaday in falalkan oo kale ay xad-gudub ku yihiin madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana khalkhal gelinayaan xasilloonida gobolka. Waxa uu ka digay in dhaq-dhaqaaqyadani ay khatar ku yihiin amniga Carabta, gobolka iyo caalamka.