Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo golaha shacabka horgeeyay Hindise sharciyeedka Ilaalinta Iyo Taakulaynta Barakacayaasha

Published: January 6, 2024

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya XFS mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta horgeeyey Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya  Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Iyo Taakulaynta Barakacayaasha.

Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa ugu horreyn u mahadceliyay guddoonka iyo Xildhibaannada Gola Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo sidoo kale akhriyay Cutubyada iyo Qodobada uu ka kooban yahay Hinside Sharciyeedka Ilaalinta Iyo Taakulaynta Barakacayaasha.

Hindise Sharcciyeedkan oo lagu magacaabo “Hindise-Sharciyeedka Sharciga Ilaalinta iyo taakulaynta Barakacayaasha ee 2023”, Wuxuu ka kooban yahay 12 Cutub iyo 30 qodob oo ku qoran 30 bog, waxaa uuna mudane Fiqi oo ka hadlayay ahmiyaddiisa ka yiri “ in Muwaadiniintaas Barakacayaasha ah;

(A). Laga ilaaliyo in ay la kumaan wax xad gudub ah ee kasoo horjeeda Xuquuqdooda asaasiga ah ee ku xusan Cutubka 2aad ee Dastuurka kmg.

(B). Laga badbaadiyo falalka danbi ay u geeysanayaa kooxaha wax ma garadka ah oo ka tirsan bulshada.

(C). Loo helo barnaamijyo iyo mashaariic lagu taakuleeyo oo noloshooda lagu horumariyo isla markaana loogu helo xal waara, sida in dib loogu nooleeyo deegaannadoodii hore ama dib u dejin loogu sameeyo goobaha ay u barakeceen iyo wixii kaleba.

(D). Iyo in Iskaashi caalami ah laga yeesho guud ahaan sidii barakacayaasha loogu heli lahaa mashaariic iyo barnaamijyo loogu sameeynaayo xal waara sida: dib u dejin, dib u deegaamayn iwm. Iyo

(E). Waxaa muhiim ah in laga hortago barakaca iyo sababaha keeni kara oo uu sharcigu si cad u tilmaamayo

Ugu Dambayn, Wasiir Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Xildhibaannnada ka codsaday iyaga oo tixgelinaya duruufaha jira oo ay ka mid yihiin; baahida wayn ee Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha u qabto Sharci ay ku maamusho Barakacayaasha Dalka Soomaaliya, musiibooyinka, in dad la eg 3.8 Milyan oo qof ay maanta guryahooda ka barakceen, gacansiiinta loola diyaar yahay, kuwa soo gurya noqonaya iyo arrmo kale in ay ka gutaan waajibaadka dastuuriga ah oo ay ansixiyaan.

Hindise Sharciyeedkan ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa waxaa ay golaha wasiirrada ee XFS ansixiyeen 27 Oct 2023.

Horseed Media