Wasiirka Bayle oo shaaciyay waqtigga IMF Ay Daynta Ka Cafinayso Soomaaliya

Published: March 22, 2020

Wasiirka Maaliyadda Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxaan Ducaale Beyle oo xafiiskiisa warbaahinta kula hadlay ayaa faah-faahiyay wadad ay soo martay barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya, Wasiirku waxa sheegay in dawlada ay martay dhamaan hanaankii loo jeexay ee la xiriirtay dayn cafinta.

Wasiir Bayle waxa soo hadal qaaday waqtiga ay hay’ada IMF sida rasmiga ah ug cafinayso Soomaaliya daynta ay ku lahayd. ”25-ka Bishaan ay  hay’adda lacagta Adduunka ee (IMF)  ka cafinaysaa deyntii ay Soomaaliya ku lahayd” ayuu yiri Wasiir Bayle.

Mudane Beyle ayaa intaa ku daray in Bankiga Adduunka iyo Bankiga horumarinta Afrika ay Soomaaliya u cafiyeen deymihii ay ku lahaayeen, sidoo akle waxa uus heegay in Saraakiil ka tirsan Dalka Russia ay khadka tooska ah kuwada-hadleen, sidoo kalena ay ka wada xaajoodeen sidii sooomaaliya daynta looga dhaafi lahaa. Russia ayuu sheegay in ay tahay dalalaka daynta ugu badan ku leh Soomaaliya.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *