Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay wafdi ka socda WHO

Published: July 25, 2024

Wasiirka Caafimaadka ee Puntland Siciid Qorsheel iyo madaxda Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda hay’ada WHO xafiiskeeda Soomaaliya.

Waxaa kulankan sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland, Dr. Mohamed Mohamud.

Wafdigan ka socda hay’ada caafimaadka Adduunka ayaa waxaa kamid ahaa Wakiilka Dr Renee Van de Weerdt, iyo kuxigeenkeeda Dr. Mohamed Ali Kamil.

Labada dhinac ayaa kulankan uga hadlay mashaariicda Caafimaadka ee ka socda deegaanada Puntland.

Horseed Media