Wasiirka Cusub ee Kaluumaysiga Puntland, Prof. Xagaa oo xilka la wareegay

Published: March 12, 2024

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayaa maanta si rasmiya xilka ugala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dr. Rashiid Maxamuud Yuusuf.

Munaasabada Xilwareejinta ayaa waxaa goob joog ka aha Madaxweyne ku-xigeenka Dowlada Puntland Ilyaas Cismaan Luga-toor.

Prof. Xagaa waa aqoonyahan reer Puntland ah oo labaatankii sanno ee ugu dambeeyey hay’adaha caalamiga ah kala shaqaynayey arrimaha bulshada gaar ahaan Hay’adda Unicef.

Horseed Media