Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

Published: June 4, 2024

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xil Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya danjire Karin Johansson,

Kulankan ayaa la xiriiray iskaashiga dhinacyada Gadiidka iyo Duulista oo ku dhisan horumarinta adeegga iyo khibrad wadaaga. Taa oo gacan ka gaysanaysa in howlwadeennada Waaaradda ay ka heli karaan Midowga Yurub , tababaro iyo khibrad wadaag, si loo siiwado hiigsigeenna in nidaamka Duulista Rayidka ee dalkeenna uu noqdo midka ugu horumarsan Afrika.

Wasiirka wasaaradda Fardowsa ayaa uga mahad celisay Safiirka Midawga Yurub Taageerada ay ku bixso Midawga Yurub Dawlad Dhiska Soomaliya sida Amniga iyo Gaabayaasha Dhaqaalaha Dalka.

Horseed Media