Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Oo Ka Qaybgalay Meertada 2aad ee Isbahaysiga (IMCTC)

Published: February 4, 2024

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa  magaalada Riyaad ee Boqortooyada Saudi Carabiya kaga qayb galey Meertada labaad ee Wasiirdda Difaaca Wadamada  ku bahoobey Isbaheysiga Militeriga La-dagaalanka Argagaxisada ee wadamada Islaamka (IMCTC).

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ka warbixiyey guulaha shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ay ka gaareen la dagaalanka iyo Ciribtirka Khawaarijta Argagixisida ah.

Dhanka kale  kale Wasiirka ayaa shirka la wadaagey khatarta ay u leedahay geeska Afrika iyo Badda-cas xad gudubka dowlada Itoobiya ay ku baal martay dhammaan Shuruucda Caalamiga iyo kan Gobolka islamarkaana ugu xadgudubtay Madaxbanaanida iyo badqabka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Horseed Media