Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo sagootiyay ciidamo tababar loogu qaadayo dalka Debaddiisa

Published: November 3, 2022

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa kormeeray xerooyin ku yaalla duleedka Muqdisho oo ay ku jiraan ku dhowaad saddex kun oo askari kuwaas loo diyaarinayo kamid noqoshada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa kulamo la qaatay saraakiisha gacanta ku heysta tababarka ciidamadan isagoo u kuur galay xaalada ay ku sugan yihiin iyo caqabadaha jira.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kormeerka kadib ciimadaman cusub kula dardaarmay inay qeyb ka noqdaan dib u xoreynta deegaanada ka maqan gacanta Dowladda.

Sidoo kale Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ciidamada u sheegay inay kaaalin weyn ka qaataan dagaalka lagula jiro Ururka Al-shabaab marka soo dhameystaan tababarkooda.

Ciidankan cusub ee uu booqday Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa tababar ku soo qaadan doonna dalka Debaddiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada tayeyn lagu sameenayo ciidamada iyadoo deegaanado kamid ah dalka ay ka socdaan howlgallo ka dhan Ururka Al-shabaab.

Horseed Media