Wasiirka Maaliyadda XFS & Golaha dhaqaalaha qaranka oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya

Published: September 11, 2022
Shares6

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo Janaqow ayaa maanta shir la qaatay Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

kulanka waxaa looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan isbadalka dhaqaalaha iyo dadaalka Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Golaha uga warbixiyey dhaqaalaha dalka isagoo sheegay in lagu talaabsaday isbedal horumarineed oo dhanka dhaqaalaha ah.

“Inta aan ku guda-jirno geeddi-socodka dib-u-habaynta Maaliyadda, waxaa muhiim ah in aan ka faa’iidaysano aqoonta iyo qibradda dadkeenna aqoonta iyo fahanka u leh Horumarinta dhaqaalaha dalka”, sidaasi waxaa golaha u sheegay Wasiirka Maaliyadda Dr. Elmi Maxamuud Nuur.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *