Wasiirka Maaliyadda XFS oo daah-furay tartanka Iibka Qandaraasyada Dowladda

Published: December 12, 2022
Shares26

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay tartanka Iibka Qandaraasyada Dowladda ee ku saabsan sahayda, gaar ahaanba keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay laamaha amniga ee  Soomaaliya.  

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi ayaa sheegay in ay muhiim tahay horumarinta hannaanka Iibka Qandaraasyada Dowladda si ay dadweynaha Soomaaliyeed u wada gaarto Qandaraasyada Dowladda. 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay arrintaan ay muujinayso xoojinta iyo kor u qaadid hannnaanka daah-furnaanta Qandaraasyada Dowladda iyo isla xisaabtanka taasi oo muhiim ah horumarinta dhaqaalaha dalka.

 “Waxa aan maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka tartanka Iibka Qandaraasyada Dowladda ee ku saabsan sahayda, gaar ahaanba keenista raashinka aan bislayn iyo shidaalka ee loogu talagalay laamaha amniga ee  Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale waxa uu intaas sii raaciyey “Si kor loogu qaado daahfurnaanta qandaraasyada Dowladda, waxaa dhawaan  hab casri ah loo sameeyay Portalka Iibka Qaranka Soomaaliya (Somali Public Procurement Portal) kaasi oo aan dhawaan daahfuri doono”

Horseed Media