Wasiirka Maaliyadda XFS oo Washington shirar kula yeeshay Madaxda IMF iyo Bangiga Adduunka

Published: March 23, 2022

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa shirar muhiim ah la yeeshay Madaxa Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF Kristalina Georgieva iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Afrika Hafez Ghanem.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Beyle ayaa warbixino ka siiyay madaxda uu la kulamay ee IMF iyo Bangiga Adduunka horumarka Soomaaliya ka samaysay dhawrkii sano ee la soo dhaafay dib – u – habeynta dhaqaalaha dalka iyo Mashaariicda horumarineed ee ka socda Soomaaliya.

Kulamadaan dhexmaray Madaxda IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale looga hadlay hannnaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo halka uu marayo barnaamijka dhamaystirka Deyn cafinta.

Waxa aan kulamo muhiim ah, oo kala gooni ah, misna miro dhal ah la qaatay masuuliyiinta sare ee Bangiga Adduunka iyo Hey’adda IMF.

Agaasimaha guud ee Maamulka IMF Kristalina Georgieva iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka, dhinaca Afrika Hafez Ghanem ayaan ka wada hadalnay sidii lagu horumarin lahaa barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan maraya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Beyle.

Waxa aan uga mahadcelinayaa dhammaan hey’adaha dhaqaalaha Adduunka iskaashiga xooggan ee nagala dhexeeyo iyo ka qeyb qaadashadooda ah in aan gaarno Goobta kama dambeysta ah ee Deyn-Cafinta Soomaaliya.

Madaxda Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa soo dhaweeyay hannaanka nidaamka Maaliyadda Soomaaliya ku socda iyo horumarka laga sameeyay dib – u – habaynta dhaqaalaha dalka. IMF iyo Bangiga ayaa ballan qadeen in ay sii wadi doonaan taageerada iyo gacansiinta dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan soo kabashada dhaqaalaha dalka iyo dhamaystirka arrimaha Deyn cafinta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *