Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Golaha Dhaqaalaha Qaranka

Published: November 28, 2020

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya Jamaal Xassan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Xubno ka socda Golaha Dhaqaalaha Qaranka JFS.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo xubnaha ka socday Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa ka wadda hadlay sidii Wasaaradda iyo Goluhu isaga kaashan la haayeen dardergalinta horumarinta dhaqaalaha.

 Kulankan ayaa diirada lagu saaray sida ugu fiican ee looga faa’ ideysan karo tallooyinka ku saleysan cilmi-baarista ay soo jeediyeen Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ay ku mideysan yihiin Daarasado laga samayeeyey saamaynta uu ku yeeshay cudurka COVID-19, dhaqaalaha dalka iyo sidii looga soo kaban lahaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *