Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo qaabilay Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya

Published: October 27, 2021

Wasiirka Wasaaradda Qorshyenta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Guddiga Sare Hay’adda Istaatistikada Qaranka Mudane Asad Yuusuf Qanyare iyo Agaasimaha hay’adda Mudane Sharma’arke Faarax ayaa la kulmay Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya Anders Thomes waxa uu cadeeyay in ay ka go’an tahay taageerada dowladda ee ku aaddan Sameynta Tirakoobka dadweynaha iyo guryaha Soomaaliyeed sida ku cad sharciga Istaatistikada ee 2020.

Wasiirka Wasaradda Qorsheynta Qaranka mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in hay’adda Istaatistikada Qaranka ay ka go’an tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo Tirakoobka dadweynaha Soomaaliyeed, iyada oo laga samaynayo guud ahaan dalkeennu oo dhan, taasoo furo u noqon doonta doorasho qof iyo cod in ay waddanka ka dhacdo iyo in la ogaado tirada guud ee dadka Soomaaliyeed,

Kullanka waxaa sidoo kale lagu lafa-guray sidii loo dar-dargalin lahaa tirakoobka dadweynaha iyo guryaha Soomaaliyeed isla markaana laysla eego caqabadaha ku xeeran si loo helo tirakoob hufan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *