Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka oo Qalab Casri ah u dirtay Garoonka Baydhabo

Published: January 10, 2022

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb galay Munaasabad kooban oo ka dhacday Gudaha Garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho taas oo qalab casri ah loogu dirayay Garoonka Diyaaraha Baydhabo.

Qalabkaan ayaa ah mid lagu hago diyaaraha sidoo kalena ah mid casri ah, Waaana Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Raydka ah oo ka hadlay munaasabada uu sheegay in horumarinta Maamulka hawadda ay ka go’an tahay, iyadoona la rajaynayo in darajada hadda ay joogto oo ah G la geeyo A oo ah halka ugu casrisan.

0

Horumarinta Maamulka Hawadda waa mid noo ah yoolka koowaad waxaana rajaynayaa in Soomaaliya ay qayb ka noqoto dalalka habka ugu casrisan u maamusha hawadooda”Ayuu Yiri Wasiir Duran Farah.

Wasiirka ayaa ugu dambayn sheegay in Dhammaan Garoomada dalka la hormarinayo , iyadoona dhanka kalena gaadiidka cirka ee dalka ka shaqeeya la tayaynayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *