Gen Maxamed Warsame Darwiish oo Jarmalka ku geeriyooday

Published: July 30, 2022
Shares154

Alle ha u naxariistee Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Gen Maxamed Warsame Faarax Darwiish ayaa ku geeriyooday Dalka Jarmalka oo u joogay arrimo Caafimaad.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka tacsiyeey geerida Marxuumka ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkii, qaraaabadii, saxiibadii, shacabka Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid alle ha u naxariistee Wasiirka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in marxuumku uu si weyn ugu suntan yahay qalbiyada Bulshada Jubaland oo uu qeyb weyn ka ahaa dadaaladii dhismaha Jubaland iyo sidoo kale wasaaradahii uu kasoo shaqeeyay iyo dhismahii hay’adaha kala duwan ee dowlada oo uu door muhiim ah ku lahaa.

Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha  Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeesay geerida ku timid Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *