Weerar ku bilowday qarax oo ka dhacay Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo

Published: October 23, 2022

Weerar ku bilowday Qarax ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday hotel lagu magacaabo Tawakal oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland.

Weerarka kadib dabley hubaysan oo katirsan Ururka Al-shabaab ayaa gudaha u galay hotelka, iyadoo hadda uu socdo dagaal toos ah oo laysku adeegsanayo rasaas.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay qaraxa hore ayaa la geeyay isbitaalada Kismaayo. Lama hubo tirada saxda ee khasaaraha hotelka.

Hotelka weerarka lala beegsaday ayaa kamid ah hotelada qadiimiga ah ee ku yaalla waddada aadda dekedda magaalada Kismaayo.

Horseed Media