Weerar ku bilowday qaraxyo oo lagu qaaday xarunta Wasaaradda Waxbarashada XFS

Published: October 29, 2022
Shares44

Weerar ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu qaaday Wasaarada Waxbarashada ee ku taala meel aan sidaasi uga fogeen isgooska Soobe.

Warar kale ayaa sheegaya in rag hubeysan ay gudaha u galeen wasaaradda.

Weerarkan oo wali socda ayaa la sheegay in uu ka dhashay qasaare nafeed inkastoo aysan wali mas’uuliyiinta iyo saraakiisha booliiskuba ka hadlin.

Wararka ayaa hadda sheegaya in ay rasaas ka socoto agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay.

Alle ha u naxriisto Taliyihii Saldhigga degmada Hodan Xuseen Cadceed Cismaan ayaa ku geeriyooday weerka lagu qaaday wasaarada Waxbarashada XFS.

Sidoo kale dadka ku dhintay waxaa kamid ah Weriye Maxamed Ciise Koonaa oo kamid ahaa bahda warbaahinta ee Magaalada Muqdisho

Horseed Media