Weerar qarax ku bilowday oo lagu qaaday Hotel ku yaalla Liido & Masuuliyiin ka soo badbaaday.

Published: April 22, 2022

Weerar ku bilowday qarax xoog leh ayaa goordhow ka dhacay Maqaayad ku taala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ay kamid yihiin xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaliya gaar ahaan Xildhibaano kasoo jeeda Gobolka Sool ayaa laga soo badbaadiyay weerar lagu qaaday maqaaxida halkaas oo shir uu uga socday masuuliyiinta.

Xildhibaan Cabdi Warsame Qowdhan oo kamid mudanayaasha cusub ee Baarlamanka ayaa xaqiijiyay iney bad-qabaan.

Afhayeenk XFS Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa bartiisa Facebookga ku qoray “Taliyaha Booliska General Xijaar oo aan la hadlay waxa uu ii xaqiijyay inuu badqabo. Waxa uu ku sugnaa goobta ganacsi ee qaraxa iyo weerarka lagu qaaday. Xildhibaanada wey nabad qabaan”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *