Wefdi ka socday Qaramada Midoobey oo gaaray magaalada Garowe

Published: March 29, 2017

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefdi ka socdey Qaramada Midoobey oo uu hogaaminayey Mr. Serge G. Kubwimana.

Kulanka uu la yeeshay Madaxweynehu wefdiga ayaa waxaa ku wehlinayay mas’uuliyiin ka tisan goloyaasha Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Wefdiga uu hogaaminayey Mr. Serge G. Kubwimana ayaa ka soo kicitimayay Jamciyada Quriuumaha Ka dhexaysa ee Newyouk, waxaana ay Madaxweynaha ka wada hadleen arrimo la xiriira sidii Soomaliya ay ku gaari lahayd doorasho hal qof iyo hal cod ah 2020 iyo sidii looga mira dhalin lahaa nindaamka xisbiyada badan ee uu madaxweynuhu daah-furay.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn ku soo dhoweeyey wefdiga Puntland gaar ahaan Madaxtooyada Garoowe oo uu kulan koodu ka dhacay, waxaana uu madaxweynuhu u sheegay wefdiga in aanay fududayn sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa doorasho hal qof iyo hal cod ee ay u baahan tahay dedaal aan joogsi lahayn isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo qorshe cad oo lagaga hortegi karo caqabadaha hortaagan Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in beesha caalamka loo baahan yahay inay door fiican ka qataan sidii Soomaaliyo 2020 loo gaarsiin lahaa hiigsiga hal qof iyo hal cod taas oo shacabka lagu gaarsiin karo doorasho xor iyo xalaal ah, isla mar`ahaantaana waxa uu wafdiga u cadeeyey in Puntland ay markasta diyaar u tahay ka mira dhalinta arrinkaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wafdiga u sheegay in Puntland dhowaan ka hirgeli doonto doorasho hal qof iyo hal cod ah, maadaama uu daah-furay Madaxweynuhu nidaamka xisbiyada badan, isla mar ahaantana ay ka mid ahayd balan qaad yadiisi doorashada ka hor inta aanu Madaxweynaha ka noqon Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa weftiga kala ahdlay in arrimaha doorashoyinka ka Soomaaliya ay hormuud u tahay Puntland, isla markaana ay wadada doorasho hal qof iyo hal cod ah dhowaan u jeexi doonto Puntland guud ahaan Soomaaliya oo dhan.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *