Wefdi ka socdey Sweden oo RW Xamse kala hadley dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed.

Published: May 27, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabiley wufuud ka kala socotey dalalka Jarmalka iyo Sweden kuwaas oo Raysalwasaaruhu si kala gooni ah u qaabiley.

Raysalwasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Caddaaladda ee dalka Sweden Anders Hall, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah ee labada dal.

Warar soo gaarey Horseed Media oo kulanka ku dhaw ayaa sheegaya in ergada Dowladda Sweden ay kala hadleen raysalwasaare Xamse qaxooti Soomaaliyeed oo sharciyada loo diidey oo ku sugan dalka Sweden kuwaas oo la doonaayo in dalka dib loogu soo celiyo.

Dowladda Sweden ayaa horey u sheegtey in dalalka ay gargaarka siiso oo Soomaaliya ka mid tahay ay shuruud uga dhigayaan in ay dib u qaabilaan dadkeeda loo diido sharciga Sweden.

Dhanka kale Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa qaabiley wefdi ka socdey Dowladda jarmalka. Wefdiga ka socdey dalka Jarmalka waxaa hoggaaminaayey Christoph Retzlaff oo ah Agaasimaha Dowladda Jarmalka u qaabilsan dalalka Saaxil iyo Saxara ee Afrika, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriika soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal, isaga oo ka mahadceliyay taageerada dowladda Jarmalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Agaasimaha Dowladda Jarmalka u qaabilsan dalalka Saaxil iyo Saxara ee Afrika, Christoph Retzlaff, ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dadaalladeeda.

HORSEED MEDIA