Weriyeyaal ka tirsan Ururka SJS oo lagu xiray Magaalada Baydhabo

Published: November 30, 2022

Ciidanka Nabadsugidda ee Koonfur Galbeed ayaa xiray saddex weriye oo katirsan Masuuliyiinta Ururka Somali Journalists Syndicate – SJS.

Weriyeyaasha oo lagu xiray gudaha garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ayaa kala ah Maxamed Ibraahim Bulbul oo ah Xoghayaha Xuquuqda Aadanaha SJS, Hanad Cali Guuleed oo ah Xoghayaha Tababarrada SJS iyo tababare saxaafadeed Maxamed Bishaar.

War ka soo baxay Ururka ayaa lagu sheegay in Saraakiil ka tirsan Taliska Nabadsugidda KGS oo ka amar qaata xafiiska Madaxweyne Laftagareen lagu xiray weriyeyaashan. 

“SJS waxay cambaareyneysaa falkan sharci darrada ah ee ka dhacay garoonka Baydhabo saaka ee lagu beegsaday hawl-wadeennada Somali Journalists Syndicate – SJS.  Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah lagu siidaayo saddexda hawl-wadeen ee sharci darrada ku xiran” ayaa lagu yiri warka Ururka SJS.

Horseed Media