Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Uganda ee Kenya u hanjabey oo xilkii laga qaadey, laakiin la dalacsiiyey

Published: October 5, 2022

Muhoozi Kainerugaba ayaa laga qaaday xilka taliyaha ciidamada dhulka ee dalka Uganda, maalin kadib markii uu duufaan ka dhaliyay baraha bulshada, markii uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in uu qabsanayo caasimadda Kenya ee Nairobi, warkaas oo ay dowladdu iska fogeysay.

Afhayeenka ciidamada Uganda UPD, General Felix Kulayigye ayaa xaqiijiyey in xilkii laga qaadey Muhoozi Kainerugaba, waxaana loo dalacsiiyey derajada Jeneraal

Arrintan ayaa imaanaysa maalin kadib markii Muhoozi Kainerugaba uu soo dhigay Twitter-ka qoraalo dhowr ah oo uu kaga hadlay haddii uu duullaan ku qaaday dalka Kenya ee deriska la ah. Waxa uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ciidamada dhulka ee dalkiisa ay ku qabsan karaan magaalada Nairobi laba toddobaad gudahood, hadalkaas oo ka caraysiiyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka Uganda iyo dad badan oo Kenyan ah.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda Talaadadii, ayaa waxay ku celisay inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee Bariga Afrika, iyadoo intaas ku dartay in siyaasadda dibadda ee dalkaas aan lagu maamulin baraha bulshada, isla markaana aysan ku xirnayn baraha bulshada marka ay la macaamilayaan. wadamo madax banaan.

Wiilka hadda laga dhigay Jeneraalka ayaa ah la-taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha ee dhanka howlgallada gaarka ah, waxaana muddooyinkii u dambeeyay si weyn uu ugu dhex muuqdey masraxa siyaasadda heer qaran iyo heer gobol, isagoo kaashanaya baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka.

Inta badan qoraalada uu soo dhigo bartiisa twitter-ka ayaa ah kuwo siyaasad ahaan xag jir ah, iska hor imaanaya, isaga oo ka ilduufay cawaaqibka diblomaasiyadeed.

Kainerugaba ayaa loo arkaa inuu yahay ninka bedeli doona madaxweyne Museveni oo 78 jir ah, oo dalka Uganda xukumayay in ka badan 35 sano.

Horseed media