Wikileaks oo heshay farsamooyinka cusub ee CIA wax ku basaasto

Published: March 8, 2017

Hay’adda sirdoonka ee CIA ee dalka Maraykanka ayaa la ogaadey in ay akhrisan karto fariimahaaga Inkribshanka lagu sameeyey, u dhici karaan dhamaan xogta ku jirta telefonkaaga iyo weliba in ay gurigaaga kala socon karaan Telefishanada casriga ah ee Smart-TV, iyo weliba gawaarida danbe ee casriga ah.

Wikileaks ayaa ballan qaadey in ay maanta oo ah Arbaca ay daabacayaan qoraalo ka badan 8000 oo bog oo laga xadey CIA kaas oo muujinaya in aan qofkasta oo Tiknoolajiyadda cusub istimaalaya aanu ka badbaadin in CIA la socoto arrimihiisa.

Xogtan cusub ayaa sheegaysa in CIA ay maamulan karto telefonkaaga kaamaradiisa, mikrofoonkisa iyo weliba dhamaan xogta ku jirta, ha ahaado mid ku shaqeeya iOS ee Iphone, Android iyo weliba Windows.

Sida ay qortey Washington Post haddii qoraalada Wikileaks heshey ay run noqdaan ayey noqonaysaa khatartii ugu weyneyd ee basaasnimada dhanka Teknolajiyadda cusub, waxaana uu noqayaa hubkii ugu weynaa ee CIA laga kashifo.

Sida Wikileaks sheegtey muddo dheer ayey CIA isticmaaleysey barnaamijyio malware ah kaas oo ka mid noqdey OS ay istcimaalayaan Telefoonada, Kunbuyiitrada iyo weliba Telefishanada casriga ah qaarkood sida kuwa ay samayso shirkadda Samsung oo ah kuwa Wikileaks si gaar ah u xustey.

Mikko Hypponen oo ah khabiir dhanka amniga Internetka horayna u asaasey shirkadda F-Secure ayaa sheegay in aanu la yaabeyn qaababka cusub ee CIA wax ku raadineyso waxaase uu is weydiiyey halka qoraalada Wikileaks ka yimaadeen, ma Ruushkaa mise waa shaqaalaha CIA.

Haddii Wikileaks maanta faafiso qoraalada laga soo xadey CIA ayaa la sheegayaa in ay iyaguna degdeg u aargoosan doonaan tan oo keeni karta dagaal dhanka saybarka ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *