Hay’adda World Vision oo beenisey in ay raashin dhacay Garoowe ka qaybisay [Dhegeyso]

Published: February 22, 2012

Hay’adda World Vision ayaa beenisey war bulshada lagu dhex faafiyey kaas oo ah in raashin ay dhowr beri kahor magaalada Garoowe ka qaybisay uu yahay mid dhacay oo aan ku habooneyn in la cuno, war-saxaafadeed xafiiska hay’adda ee Garoowe kasoo baxay ayaa arintaas lagu beeniyey wuxuuna u qornaa sidan

Dhegeyso

[powerpress]

World Vision

Warsaxaafadeed 21 Febuary 2012

Rashiinka waa la cuni karaa

Hay,adda World Vision waxay cadeyneysaa in raashiinkii lagu qaybiyey magaaladda Garowe maalintii isniinta labaatankii bishii labaad (20th of February 2012) in la cuni karo. Raashiinka waxa uu ahaa Boorash nafaqyesan “Nutritious Uni-mix” waxaana soo baaray xaqiijiyeyna shaybaarayaal caalami ah kadib tijaaba la sameeyey taariikhda markii ay aheyd 07dii Busha February 2012.

Tayada raashiinka waxaa xaqiijiyey Sarakaal kastirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Dowladda Hoose inta aan la qeybin.

Tijaabo joogta ah ayaa marwalba lagu sameynjirey rashiinka inta ay ku jirtay bakhaarka waana sharuuc ay sameyso Hay-adda si loo xaqiijiyo in cuntada mar walba la cuni karo. Hayadda World Vison xitaa waxay soo samaysay tijaabooyin hore ka hor intaan lasoo iibin lana xaqiijiyey in raashiinka yahay mid taya ahaan dhameystiran.

Shalay galabtii waxaa nasoo gaarey akhbaar in qaar ka mid ah bulshada ay cabasho ka keeneen raashiinka in ay Hay-adda World Vision iyo Saraakiisha Hay-adda ay u qeybiyeen raashiin dhacay kadib markii ay ogaadeen raashiinka la qeybiyey inuu ahaa Uni-mix oo aan aheyn bariis sidii ay filayeen ayaga. Cuna qeybinta waxaa laga sameeyey bakhaarka weyn ee Hay-adda.

Jeremiah Kibanya, Wakiilka Hay-adda World Vision ee Puntland waxa uu leeyahay “waxaan aaminsanahay in qaybaha bulshada cabashada muujiyey ay ahaayeen kuwa filayey waxaan ahayn cuntadii la qeybiyey shalay.

Ugudanbeyn, masuuliyinta Dowloadda iyo Hay`adda World Vision kuwaas oo raad wayn kulahaaa wacyigalinta Bulshada iyo raashiin qaybinta inay laxiriirayaan qaybaha Bulshada si ay u dhegaystaan una xaliyaan cabashooyinka. Mustaqbalka waxaan rajaynaynaa inaan wadahadal iyo la tashi badan ku xalino wixii cabashooyin ah.

Dhamaad

 

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe